Description
Sharaftiyo karaamada haddaad, shaadh ka dhigan waydo
Shahaada markhaatiga ma galo, shayga kii xumiye
shubuhada qofkii lagu bartaa lagu shareereeye
Sharacallee xurmadu waa midaan, shaaki galahayne
Sharaceedu wixii ay nacdee, diinta lagu sheegay
Iyo dhaqanka shaygii dila bawaa shaxiixmaa
Nafta inaad ka sheentaa habboon, shariyo haadaane
Ri' weliba shilkii ay gashaa lagu shidhaystaaye
Shaandhaynta ruuxaan aqoon, shaabad baa xigiye
Shakaal yeelo, edebta na shifee, sheekada na gaabso
Oo shuqulka qaarkii ha shaac baxaad noqone
Hayska shiiqsan sheerkaan ahayn shiilka gacantaada
Ha shafeecsan shuqullada badhkood shabac daraaddeeda
Hana shaacin sheekada middaan shiishku qabanaynin
Sharaxaadda maansada haddaan shay ka daba tuuro
Shibir taako wixii aan dhammayn share ta ka ilaali
Shaaraca ha gayn ceeb hadhow, shaabad kugu reebta
Shaaficida diinta wixii sheedda uga leexda
Shaanshaan ka tuur beenta iyo hadalka shaydaanka
Dadka qaar shufta baa jiroo shiida aadmiga
Dulqaadkaa ka shaafiya waxay sheegiyoo idile
Sharaftaada dhowroo cidna ba how shiddo lahaanin
Maxamed Cabdicasiis Bootaan
Maansada Dhalan Rogadka waayaha
Published 05/12/20
Dhalan rogadka waayuhu
Waa mid soo dhignaayoo
Hadba dhinac u guuree
Dhogortii markuu riday
Dhudda xoogga baabaco
Bal inuu mar dheefsado
Dhexda toosi aadmigu
Oo socod dhaqaaq baray
Oo ku dhiirray joogsiga
Aragguna u dheeraa
Published 05/09/20
Ka kooban, gorfayn iyo gulufayn, gabay iyo qiso.
Published 02/24/20