4 episodes

Gorfayn iyo Golejoog

Bootaaniya Podcast BOOTAAN BOOTAAN

    • Arts

Gorfayn iyo Golejoog

    SHAKAAL YEELO - Maxamed Cabdicasiis Bootaan

    SHAKAAL YEELO - Maxamed Cabdicasiis Bootaan

    Sharaftiyo karaamada haddaad,  shaadh ka dhigan waydo

    Shahaada markhaatiga ma galo, shayga kii xumiye

    shubuhada qofkii lagu bartaa lagu shareereeye


    Sharacallee xurmadu waa midaan,  shaaki galahayne

    Sharaceedu wixii ay nacdee,  diinta lagu sheegay

    Iyo dhaqanka shaygii dila bawaa shaxiixmaa


    Nafta inaad ka sheentaa habboon,  shariyo haadaane

    Ri' weliba shilkii ay gashaa lagu shidhaystaaye

    Shaandhaynta ruuxaan aqoon, shaabad baa xigiye


    Shakaal yeelo,  edebta na shifee,  sheekada na gaabso

    Oo shuqulka qaarkii ha shaac baxaad noqone


    Hayska shiiqsan sheerkaan ahayn shiilka gacantaada

    Ha shafeecsan shuqullada badhkood shabac daraaddeeda

    Hana shaacin sheekada middaan shiishku qabanaynin


    Sharaxaadda maansada haddaan shay ka daba tuuro

    Shibir taako wixii aan dhammayn share ta ka ilaali

    Shaaraca ha gayn ceeb hadhow, shaabad kugu reebta


    Shaaficida diinta wixii sheedda uga leexda

    Shaanshaan ka tuur beenta iyo hadalka shaydaanka


    Dadka qaar shufta baa jiroo shiida aadmiga

    Dulqaadkaa ka shaafiya waxay sheegiyoo idile

    Sharaftaada dhowroo cidna ba how shiddo lahaanin


    Maxamed Cabdicasiis Bootaan

    • 2 min
    Dhalan rogadka waayaha - Cabdul Seed

    Dhalan rogadka waayaha - Cabdul Seed

    Maansada Dhalan Rogadka waayaha

    • 11 min
    GORFAYNTA GOLE GARAAD: MAANSO DHALAN-ROGADKA WAAYAHA - CABDUL SEED

    GORFAYNTA GOLE GARAAD: MAANSO DHALAN-ROGADKA WAAYAHA - CABDUL SEED

    Dhalan rogadka waayuhu

    Waa mid soo dhignaayoo

    Hadba dhinac u guuree

    Dhogortii markuu riday

    Dhudda xoogga baabaco

    Bal inuu mar dheefsado

    Dhexda toosi aadmigu

    Oo socod dhaqaaq baray

    Oo ku dhiirray joogsiga

    Aragguna u dheeraa

    • 2 sec
    Hordhac, Bootaaniya Podcast

    Hordhac, Bootaaniya Podcast

    Ka kooban, gorfayn iyo gulufayn, gabay iyo qiso.

    • 57 sec

Top Podcasts In Arts

Fresh Air
NPR
The Moth
The Moth
Add to Cart with Kulap Vilaysack & SuChin Pak
Lemonada Media
99% Invisible
Roman Mars
The Recipe with Kenji and Deb
Deb Perelman & J. Kenji López-Alt
Let's Talk About Myths, Baby! Greek & Roman Mythology Retold
iHeartPodcasts and Liv Albert