Episodes
Xalqada manta kaga waxa aynu kusoo qaadnaynaa dhawr su’aalod oo igaga soo noqotay waalalaha barbaariyaasha ah ee ku xidhan taxanahan barbaarinta ka hadalayaa .  Su’aalaha oo badan awadeed si aynu uga wada faaidaysano halkan ayaan manta qayb kamida kaga soo jawabay ee nala dhagayso. Wixii su’aal ee aad qabatana waxaad igula soo wadaagi kartaan barta aan kuleyahay social media si aan ukala faidaysano .  Dhagaysi wanaagsan 🌸 Amal abdilaahi bade 
Published 11/12/23
Masuuliyada oo ilmahaa la bara  waa qodobada ugu muhiimsan barbaarinta uguna mudan in wakhti, samir ,iyo kalsooni daryeel ku dheehan yahay lagu bixiyo  Waxaad xalqadan  ka heli doontaa su’aalo kugu caawinayaa inaad ogaato in ilmahagu yahay mid udiyaarsan in uu qaado masuuliyadaha nolosha kusoo fooda leh . Ila dhagayso oo aragtidada ilasoo wadaag hadii aad wuxun kaga baxaan . Aad baan idinku mahad celinayaa . Amal cabdilaahi bade 
Published 11/06/23
Manta waxa aynu uguda galayna marlxalad cusub oo aynu kaga hadalyno da’da (9-12) marka uu ilmuhu uu jiro iyo waxa uu ugu baahida badan yahay waxay tahay in lagu beero , iyo filashooyinka uu qabo markuu da’dan kujiro .  Dhagaysi wanagsan ayaan idiin rajayanay 
Published 10/29/23
Dareemuhu waa luuqad kamida luuqada ay bini adamku ku hadlaan ayna tahay in ilmaha lagu ababiyo wakhtiga uu yaryarahay . :- waxa jira dhibaatooyin fara badan oo ka dhasha cabir la’anta dareemada oo qofka kusoo baxa marka uu waynaado si aynu taas ugu hortagno ayaynu xalqadan ku lafaguraynaa dareemaha iyo ahamiyada ay leeyihin .  Dhagaysi wanaagsan ayaan idiin rajayanaya  Amal abdilaahi bade 
Published 10/22/23
Kalsoonidu waa tirarka ugu muhiimsan barbaarinta caruurta marka aynu ku gudo jirno  Si aynu usoo saarno caruur dhan walba kadhisan oo nafsiyan badqaba waa inaan kobcinaa uun waxa uu Allah caruurta ku abuuray oo ah inay laso dhashaan kalsooni .  Dhagaysi  wanagsan iyo ka faaidaysi fiicanbaan idiin rajyanayaa . 
Published 10/15/23
Salaadu waa tirka labaad ee  diinteena  macaan wanaa qodobada ugu muhiimsan  barbaarinta caruurta . Xalqadan waxaan si faahfahsan uga hadlaynaa baahida ruuxiga ee ku abuuranta ilamaha marka la eegayo dhanka diinta iyo calamadaha kasoo if baxa ilmahaa marka uu soo galo da’an (7-9)  Dhagaysi wanaagsan 
Published 10/01/23
Marxalda aynu hada kujirno oo ah  (4-6 ) waxyabhaa ugu muhiimsan  ee caruurta lagu beerinkaro quranka ayaa kaw ka ah  Waxaynu kusoo qaadan doona xalqada manta 16 qodob oo inaga caawinayaa inaynu caruurta Qur’aanka ku xifdi siino .  Dhagaysi wanaagsanbaan idiin rajayanaya 
Published 09/24/23
Luuqadu waa waxyabaha ugu mudan ee ay tahay in waalidku ay wakhti badan galiyaan ilmihu inta uu yaryahay waxaad xalqada mnata ka baran karaysa  1; sidaad ku ogaan lahyd in ilamahagu dareen ahaan badqabo 2: sideed ilamahaga luuqadiisa hooyo ukobcin lahyd una sixi lahayd  3; (4-6) baahiya ilmuhu uu qabo oo iyadna aan laba qodob kaga hadli doono . Dhagaysi wanaagsan  Amal abdilaahi bade 
Published 09/17/23
Xalqada manta waxa aynu kaga hadli doona dhawr qodob oo muhiim ah  :. Baahiyaha ilamaha marka uu aadka uyaryahay sida jacaylka / naxariista / usamrida .  :. Waxyabaha ah diintu jidasay ee ay mudan tahay in waalidku ilmaaha usameeyan marka uu dasho . :.  Maashakilka ay leedahay mar xaladan (0-3)  Iyo qababka loola tacaalo .           Dhagaysi wanaagsan  Amal abdilaahi bade 
Published 09/11/23
Xalqada cawa waxaynu kaga hadlaynaa dhawr qodob oo muhiim ah  1: fahanka guud ee barbaarinta . 2: marxalada ka horaysa waalidnimda 3: su’aalaha lamanaha aad rabto inaad nolol wadaag la noqotid aad waydiin kartid . 4: (0-3 ) baahiya ilmuhu uu leyahay badh kamida . Intaaso qodob ayay koobsnaysa xalqada manta dhagaysi wanaagsan baan idiin rajaynayaa . 
Published 09/03/23
BISMILLAH , Xalqada uhoraysa ee kalkani waxaan kaga hadlaynaa baarinimada iyo xidhiidhka kala dhaxeeya toosida nolosha caruurta aynu korinayno , iyo sida ay samaayn baaladhn ugu yeelan karto mustaqbalkeena .  Dhagaysi wanagsan . Amal abdilaahi bade 
Published 08/26/23
Dhamqasho waa ciwaanka xalqada manta ee ugu dambaysa kalkan ka bogo oo fahan muhiimada ay inoo leedahay sifadani 
Published 07/06/23
Waxa jira khaladaad badan oo si malinle ah aynu kala kulano bulshada inagu xeeran oo kalifta in aad kafalceliso taasina anay ufiicnayn caafimaadkeena maskaxeed iyo mid jidheedba  sifadan manata aynu ka hadlayna waxay kugu caawinaysaa in aad mashaakil hor leh oo kugu dhici laaha dad badana aad isku waayi lahaydeen aad kagaa hortagto oo aad noqoto qof ilduufleh waxna diidaa oon dulmiga qaadan waxna dhaafi kaara  Kagaa bogo xaqladan sifadan oo faahfasan  Amal abdilaahi 
Published 07/02/23
Samafalku waa xirfadahaa ugu qiimaha badan ee kasbashadooda nolosha qofka wax wayn kusoo kordhiso aduunyo , aakhriba Xalqadan waxaan ku eegayna sida loo kasabdo xirfada , faaidooyinka ay nolosheena uleedahay iyo samaynta ay kaga tagto qofka noloshiisa. Amal Abdilaahi 
Published 06/18/23
Aduunkan aynu noolnahay hadii aanu qanuuno uu ku kala socodo Allah udhigin kadibna aanu ina barin qaabka aynu ugu dhaqmayno qanuunada waxa imaan lahaa khalkhal fara badan oo dhanka nolosha ah  Inaad ogtahay inay jirto meel aad unoqoto marka aad siibato ee aad samayso  wax kabaxsan wixii  laguu baneyaay dareenkaas ayaaba ah nimco kamida nimcooyinka maalinlaha ah ee aynaan oagayn . Ila dhgayso xalaqadan si aan u ogaano xidhiidhka ka dhaxeeya soo laabashada,camalka wanaagsan, hanuunka .  Amal...
Published 06/11/23
Sualaha ugu wa wayn ee aan iswaydiin jiray noloshyda ayaa waxa kow ka ahaa qofku miyuu noolan kara hanuunka rabi la’antii !  Sidee loo gaadhaa hanuunka ?  Tubteen umaraa si aan ugaadho ?  Suaalo iga wada dhex guuxayay oon jawaabtooda Qur’anka kariimka aan ka helay ayay ahayd ila dhgaysta xalqadan si aad wax igala ogaato mawduucan  Amal cabdilaahi bade 
Published 06/04/23
Waxa jira fursado maalinle ah oo nolosheena soomaraya se aynaan ahayn qaar ku baraarugsan ahmiyada ay inoo leeyihin amaba aynaan diyaar u ahayn wakhtiga ay fursado ina soo marayso  Kaga bogo xalqadan fursadi waamaxay ? Maxaa ina dhaafiya janisyada iyo fursadahaa maalinlaaha ah ee ina soo marayaa ?  Diinteena macaani maxay katidhi ahmiyada uu wakhtigu leyahay iyo qodobo kale oo xiiso leh  Dhagaysi wanagsan  Amal abdilaahi 
Published 05/28/23
Minimalism / زهد / تخفف  Waxasoo dhan waa ereyo iskuwasa dhaw oo sheegaya macno isku wada mid ah waxaana laga wada in uu qofku iska yarayeeyo ku xeeldheeraanshaha wax urursiga sida dharka lacagta waxyabaha guryhaa ladhigto iyo afkaarta aan waxba kugu soo kordhinayn iyo inaad ka suhdido aduunyada oo aad kunoolato nolol baasida hadana qiimo leh oo tayo kamuuqato  Ila dhagayso xalqadan si aan ugu fahanto mawduucan si xeel dheer 
Published 05/21/23
XORNIMOOY LAGU JECEL   Qofkasta oo inaga mid ah wuxuu jecel yahay inuu xor ahaado xor ka ahaado waxkasta oo dareemihiisa xidh xidhaya dabraya horumarkiisa iyo horusocdkiisa dib udhigaya hadaba si aad halkaa ugaadho oo aad unoqto qof dhinac walba ka xora oo cida kaliya  ee aad ubaahantahay ay Ilaahay  tahay dhgayso xalqadan oo qalin iyo book qaado fahan oo qalinka ku dabar waxaad u aragto inuu ku anfacayo natiijadana uu ku gaadhsiinayo  Xornimo dareemed 
Published 05/14/23
Nimcooyinka uu ilaahay inagu manaysatay ayay kamid tahay inuu ina siyaay awood nafeed  aynu ku kala xakamayn karno waxyabaha caqligeena soo galayaa , samanakan aynu hada noolnahayna waa mid qofka ku kalifaya inuu noqdo mid raba inuu wax kasta si dagdaga ku qabto hadii ayanaan ku baraarugina saamaynta ay nolosheena kuledahay waxaasi oynaan is badh qaban waxa k dhalan kara waxyabo badan oynaan mahadin  Kagaa bogo xalqadan sidaad uyeelan laahyd xuduud nafeed  BAADI DOON 2 
Published 05/07/23
Baadi  doon  ayaaynu ugu jirnaa inaynu kunolaano nolol farxad iyo rayrayn leh nolol dagan ,oo turxaan la’a ,   midkeenba meelbuu isku  qaadaya  siduu uheli lahaa una gaadhi lahaa  farxadaas .  ila dhagayso xalqadan  iskuna day inaad inuu bal wixii kaga baxa aad noloshaada kudabaqdo si baadi doonkaga suaalaha kaga soo noqonayaa aad jawaab ugu hesho . 
Published 04/30/23
Xalqadani waa suaalo soo noqnoqday oo khuseeya soonka iyo waxybahaa burinya waxaan kusoo ururiyaay su’aalo ay iswaydiinayaan hablo badan , waxaan ugu talo galay inay jawaab uhelaan suaalaha oo ay ugaadaan culimadu waxay ka idhaadeen waan raajyanayaa inaad ka faaidaysataan  RAMADAN MUBRAAK 
Published 04/09/23
Digrigu waa cibaadoyinka samaynta baladhan nolosha qofka bini adamka kuleh ee nooleeya qofka qalbigiisa , ruuxdiisa iyo jidhkiisaba saamayntiisuna ay dagdag qofka noloshiisa uga muuqato  Kaga bogo xalqadan faaidada digrigu uu leyahay . 
Published 04/03/23
Khushuucdu waxay kamid tahay cibaadooyinka qalbiga ah ee smaayn baladhan kuleh daganashaheen nafeed iyo teen ruuxigaa waxayna ubahanatahay barasho samir iyo dadaal joogta oo aynu galino si aynu ugu raaxaysano gudashada salaada iyo xaqiijinta hadafka wayn ee uu ALLAH  inoo  amray cibaadooyinka .  Kaga bogo xalqadan sida aynu isu bari karno khushuucda iyo waxybaha inaga caawin kara .  RAMDAAN MUBARAK 
Published 03/26/23
Maalmo kooban ayaa inooga dhiman bishii khayka bishii raxmada iyo naxariista , bishii isbadalka iyo guusha , hadiise aynaan garanyn sidaynu uga faaidysanano bishan khayrka badan leh way inagua dkanaysa in aynu xaqiijino waxbahaa kor ku xusan oo dhan kaga bogo xalqadan sidaad isugu diyaarin laahyd bisha ramdaan ugana faadiysan alahud khayrkaas oo dhan . 
Published 03/19/23