Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Listen now
Description
Wixii ka dambeeyey falalkii gubista kutubta Qur'aanka ayey culimo badan oo caalami ah welwel ka muujiyeen kor u kicid dacaayadaha internetka lagu baahiyo ee lidka ku ah Iswiidhen. 17-jir ayaa loo qabtay rabshadihii axaddii ina dhaaftay ka dhacay xaafadda Rosengård ee magaalada Malmö. Ciidanka booliska Iswiidhen iyo Noorwey ayaa wadajir u dhisan doona xarun boliis oo ey ku wada shaqeeyaan.
More Episodes
Miraha iyo khudaarta ayaa yeesha midabbo badan oo xoogan. Ma ahan oo kaliya qurux, laakiin sidoo kale caafimaad ayaa laga helaa, sida lagu sheegay laanta idaacadda ee culuunta sayniska. Gacanyare ka howlgala wakaaladda canshuuraha ee Malmö ayay la soo gudboonaatay inuu si kama' ah ugu diray mail...
Published 09/05/23
Hoggaanka ururka samafalka Nobel ayaa dib uga laabtay go'aankiisii ahaa in xafladda billad-bixinta Nobel ee bisha diseember uu ku casumo safiirrada Iswiidhen u matala waddammada Ruushka, Iiraan iyo Beelaruus. Muwaadinkii iswiidhishka ee abriil 2022 lagu qabtay dalka Iiraan illaa haddana ku...
Published 09/04/23
Inta lagu guda jiray xagaagii, tirada muwaadiniinta Ciraaq ee ku jira goobaha laysku hayo ka hor tarxiilka ee sugaya masaafurinta ayaa kordhay. Qarashka booliska kaga baxay falalka gubista kitaabka Qur'aanka ee guud ahaan dalka ayaa ilaa iyo imminka ah 2,5 milyan oo karoon. Shirkada tareenada ee...
Published 09/01/23