Hirgelinta doorasho wakhtigeeda ku dhacda, daah furan, loona dhanyahay
Listen now
Description
9-kii January, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray heshiis ka kooban 18 qodob oo la xiriira dhameystirka doorashada Golaha Shacabka. Heshiiskaas kadib, waxaa billowday dardargelinta doorashada iyadoo lasoo saaray liiska kuraas badan oo qaarkood la doortay qaarna la filayo in dhawaan la doorto. Sidoo kale cabashooyin ku aaddan maareynta kuraasta ayaa kasoo yeertay qaar kamid ah musharraxiinta.  Podcast-gan waxa ay Cabdi Ceynte iyo Mahad Waasuge falanqeynayaan xaaladda hadda ee doorashada, wakhtiga doorashada loo qabtay in lagusoo gebagebeeyo, hufnaanta doorashada iyo suurtagalnimada in doorashada lagu qabto labada deegaan doorasho ee dowlad-goboleedyada.  Podcast-gan waxa aan iska kaashaneynaa Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift Valley.
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24