Episodes
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka 4-aad iyadoo wax-ka-beddel lagu sameynayo sharciyada qaar kadibna la dhisayo guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha.Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku dhaliilay qodobba...
Published 05/21/24
Published 05/21/24
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2024 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah bishii Diseembar 2023. Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2024 ayaa markii ugu horreysay gaartay $1 billion. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 67% miisaaniyadda ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kab miisaaniyadeed. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 33%. 24.5% waxay ku bixi ...
Published 04/28/24
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeyay waxaana kasoo shaqeeyay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka. 28-kii Maarso, nuqul wax-ka-beddel lagu sameeyay ayaa loo qeybiyay xildhibaannada baarlamaanka iyadoo 30-ka Maarso loo jadwaleeyay u codeynta afarta cutub....
Published 03/29/24
1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomitir oo dhul ah iyo saldhig ciidamadeeda badda. Soomaaliland ayaa la sheegay in ay ku beddelaneyso ictiraaf ay ka hesho Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada gobolka iyo dalal badan ayaa ka...
Published 01/15/24
Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada. Podcast-gan waxa ay Jaamac Cigaal oo khabiir ku ah arrimaha...
Published 11/07/23
Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen sidoo kalena kumannaan qoys ku barakeceen. Dhawaan dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada kadib waxaa gacan kuheynta gobolka Sool...
Published 10/16/23
Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan. Dhawaan Somali Public Agenda iyo Raagsan waxa ay la daabaceen Somali Dialogue Platform labo cilmibaaris oo lagu eegay heerka ka qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka...
Published 10/09/23
37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn waxaa Muqdisho lagu dhisay sanadkii 2012. Waxaa madaxweyne ka noqday madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa ku howlan Hiigsiga Qarni-jirka...
Published 08/20/23
1-dii August 1998 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Puntland. Waxaa u buuxsantay 25 sano. Marxalado kala duwan ayay soo martay Puntland 25-taas sano oo ay shaqeyneysay. Sanadkii 2021 markii ugu horreysay ayay doorashooyin heer degmo  ah oo toos ah ka billowdeen 3 degmo oo katirsan Puntland.  Podcast-gan waxa ay Cali Xaaji Warsame oo wasiir waxbarasho kasoo noqday Puntland sidoo kalena isku sharraxay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2017 iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan  geeddi-socodkii...
Published 08/02/23
Dadaallo la xiriira la dagaallanka musuq maasuqa ayaa ka billowday Soomaaliya. Markii ugu horreysay baaritaanno fatash ah oo lagu sameeyay howlwadeenno katirsan dowladda ayaa bulshada lala wadaagay. Xubno katirsan dadka baaritaannada lagu sameeyay ayaa hadda xabsiyada ku jira halka qaar kale oo ka maqan dalkana looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaadir. Dadaalladan ayaa u muuqda kuwo bilow u ah sare-u-qaadista daahfurnaanta iyo maamul wanaagga hay’adaha dowladda.  Podcast-gan waxaa marti ku ah...
Published 07/15/23
Tan iyo burburkii dowladdii militariga sanadkii 1991, dowladnimada Soomaaliya geeddi-socod dheer ayay soo martay. 23 sano kadib markii dowladdii kumeelgaarka ah ee ugu horreysay lagu dhisay Djibouti, weli hay’adaha dowladda waa kuwo nugul, oo aan adeegyadii looga baahnaa qabanin.   Podcast-gan waxa ay Dr Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan dhabbaha ay tahay in loo mari dib-u-habeynta hay’adaha dowladda colaadaha kadib. Dr Ahmed Ali Khayre waa cilmibaare iyo lataliye arrimaha...
Published 06/14/23
Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannada Jubaland ayaa sidoo kale jira.  Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeyneynaa nuxurka daraasad uu dhawaan daabacay Machadka Rift Valley oo falanqeyneysay heshiiska siyaasadeed ee Jubaland. Waxaa marti ku ah...
Published 06/01/23
Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka ee 2017.  Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo 15-17 Maarso ee sanadkan ayaa saxiixay heshiis cusub ee qaab-dhismeedka amniga qaranka.  Podcast-gan waxaa...
Published 05/09/23
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 68 boqolkiiba miisaaniyadda ($667 milyan) ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic ($496 milyan ama 50%) iyo kab miisaaniyadeed...
Published 04/19/23
Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar. Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynahana uu kasoo jeeday gobolka Hiiraan. Iyadoo ay khilaafyo ragaadiyeen maamulka, ayaa bishii Nofeembar 2020 madaxweynaha dowlad- gobolleedka loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’ oo kasoo jeeda...
Published 03/25/23
Sanadkii 2021, Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin dowladaha hoose oo ka qabsoontay 3 degmo. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay doorasho heer degmo ah ka dhacdo Puntland. Qorshihii ahaa in doorashada laga qabto degmooyinka haray dib ayuu u dhacay. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa musharrax madaxweyne doorashadii madaxweynaha dalka ee dhacday bishii May ee sanadkii hore. Muddo xileedka madaxweynaha oo 5 sano ah ayaa ay hal sano ka harsan tahay. Podcast-gan waxa...
Published 01/25/23
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin. Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrinkan. Maqaamka Muqdisho waxa ay kamid tahay arrimaha taagan oo dib u dhigaya qabya-tirka...
Published 12/10/22
Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay nidaam federaaal si kumeelgaa ah u qaadatay sanadkii 2004. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa noqday madaxweynihii dowladdii federaalka kumeelgaarka ee lagu dhisay Kenya sanadkii 2004. Kadib sanado badan oo lagu howlanaa qoridda dastuur federaal ah, Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa...
Published 11/10/22
Somalia first formally adopted a federal model in 2004 with the establishment of the Transitional Federal Government. Since then, federalism has been deepened and clarified with the adoption of the Provisional Federal Constitution in 2012 and the subsequent formation of the country’s Federal Member States (FMS).  However, important parts of Somalia’s federal model remain undefined, including agreement on a model for fiscal federalism. This is a critical pillar of the federal architecture, as...
Published 11/02/22
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaleynta nidaamka maaliyadda, nooca garsoorka, naqshadda amniga qaranka iyo arrimo kale.  Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa...
Published 10/16/22
Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban.  Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo kale ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya. Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift...
Published 09/25/22
Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 2-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa waxyaabihii uu qabtay Talyaaniga muddaddii 10-ka sano ahayd ee uu maamulayay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga...
Published 08/06/22
Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 1-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa sida uu Talyaaniga ku yimid Soomaaliya iyo sidii uu ugu fiday dhulka Soomaalida.
Published 07/20/22
Somalia’s current institutional structure and governance system is shaped by the pre-colonial and colonial legacies. The British And Italian administrations who administered the Italian Somaliland and British protectorate before the independence in 1960 established systems that are still evident in Somalia public institutions. The Soviet Union, Egypt, the USA and other countries who supported Somalia’s security institutions, education and other sectors also left legacies in Somalia’s public...
Published 07/04/22