Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood
Listen now
Description
Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen sidoo kalena kumannaan qoys ku barakeceen. Dhawaan dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada kadib waxaa gacan kuheynta gobolka Sool la wareegay ciidamada SSC Khaatumo.  Hoggaamiyaha maamul cusub oo loo sameeyay SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhawaan yimid Muqdisho. Madaxa maamulka cusub oo si weyn loogusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa la kulmay masuuliyiinta dowladda federaalka. Podcast-gan waxa ay Dr Cabdifataax Daahir iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood. Dr. Cabdifataax waa aqoonyahan horey usoo noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka oo metelayay gobollada Soomaaliland. Waxa uu hadda cilmibaare ka yahay Jaamacadda Manchester.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24