Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya
Listen now
Description
Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 68 boqolkiiba miisaaniyadda ($667 milyan) ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic ($496 milyan ama 50%) iyo kab miisaaniyadeed ($170 milyan ama 17%).  Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah $283 million, or 29 percent. 26.6% miisaaniyada ayaa loo qorsheeyay gaarsiinta adeegga bulshada; 20% waxay ku bixi doontaa hay’adaha difaaca iyo amniga, halka 17% loo qoondeeyay hay’adaha horumarinta dhaqaalaha. Podcast-gan waxa ay Farxiya Maxamuud iyo Mahad Wasuge ku falanqeynayaan miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2023 ee amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarka dhaqaalaha.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24