Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?
Listen now
Description
Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada. Podcast-gan waxa ay Jaamac Cigaal oo khabiir ku ah arrimaha dib-u-heshinta iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan sababaha aanay dib-u-heshiisiin dhab ah uga dhicin Soomaaliya iyo dhabbaha ay tahay in loo maro. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24