Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho
Listen now
Description
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin. Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrinkan. Maqaamka Muqdisho waxa ay kamid tahay arrimaha taagan oo dib u dhigaya qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka. Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ‘Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho’. Faallada waxa ay soo bandhigtay saddex xulasho oo midkood lagu xalin karo maqaamka Muqdisho. Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeynayaa  nuxurka warbixinta iyo qaababka kala duwan ee loo qeexi karo maqaamka caasimadda. Waxaa marti ku ah Cismaan Muxudiin Macallin (Shaatax) oo madax u ah dallada ururrada bulshada rayidka ee SONSA iyo Iimaan Nuur Iikar oo horey usoo noqday guddoomiye kuxigeenka gobolka Benaadir. 
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24