Heshiiska Siyaasadeed ee Jubaland
Listen now
Description
Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannada Jubaland ayaa sidoo kale jira.  Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeyneynaa nuxurka daraasad uu dhawaan daabacay Machadka Rift Valley oo falanqeyneysay heshiiska siyaasadeed ee Jubaland. Waxaa marti ku ah Khaliif Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo ah cilmibaare katirsan London School of Economics (LSE) kana mid ahaa qorayaasha warbixinta.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24