Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland
Listen now
Description
1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomitir oo dhul ah iyo saldhig ciidamadeeda badda. Soomaaliland ayaa la sheegay in ay ku beddelaneyso ictiraaf ay ka hesho Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada gobolka iyo dalal badan ayaa ka hadlay kanasoo horjeestay is-afgaradka. Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre oo ah Cilmibaare iyo lataliye arrimaha sharciga & Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka is-afgaradka, fasiraadda sharci ee loo sameyn karo, iyo tallaabooyinka sharci ee u furan Soomaaliya.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24