Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya  
Listen now
Description
Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay nidaam federaaal si kumeelgaa ah u qaadatay sanadkii 2004. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa noqday madaxweynihii dowladdii federaalka kumeelgaarka ee lagu dhisay Kenya sanadkii 2004. Kadib sanado badan oo lagu howlanaa qoridda dastuur federaal ah, Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin oo ay kamid tahay sida awoodaha fulinta loogu qeybnayo heerarka kala duwan ee dowladda. Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ‘Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya’. Faallada waxa ay soo bandhigtay saddex nooc oo awood qeybsiga loo nidaamin karo. Podcast-gan waxa aan ku falanqeyneynaa nuxurka warbixinta iyo nooca awood qeybsi ee ku habboon Soomaaliya. Waxaa marti ku ah Maamul Wanaag Podcast Axmed Cabaas (Gacma-gaab) oo ah la taliyaha arrimaha federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey) oo la taliye sare arrimaha talinta sharciga (rule of law) ee xafiiska Raysal Wasaaraha. 
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24