Qoondada Haweenka ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Listen now
Description
Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa heer gebogebo ah. Dhowr iyo labaatan xildhibaan ayaa hartay doorashadooda. Jowhar iyo Garbahaareey keliya ayay kuraas ku harsan yihiin iyadoo doorashada goobaha kale lasoo dhameeyay. Xubno badan oo katirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa qaatay shahaaddada xildhibaannimo iyadoo la qorsheynayo in xildhibaannada la dhaariyo 14-ka April.  Kuraasta ay ku fadhiyeen haweenka oo sanadkii 2016 ahaa 82 ama 24% ayaa hadda hoos u dhacday iyadoo ilaa hadda qiyaastii 50 haween ay kusoo biireen baarlamaanka 11-aad.  Podcast-gan waxa aan si gaar loogu falanqeynayaa qoondada haweenka ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya.
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24