Doorashada 16-ka Kursi ee Golaha Shacabka ee Gobolka Gedo
Listen now
Description
14-kii April waxaa la dhaariyey inta badan xubnihii la doortay ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Isla maalintaas, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray warqad uu doorashada 16-ka kursi ee horey loogu heshiiyay in lagu doorto magaalada Garbahaareey ugu wareejinayo degmada Ceel Waaq oo isla gobolka Gedo ka tirsan. Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga. Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa sidoo kale soo saaray isla maalintaas in doorashada 16-ka kursi lagu qaban doono Ceel Waaq inta u dhexeysa 18-ka ilaa 27-ka April. Podcast-gan waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa  doorashada 16-ka kursi ee golaha shacabka ee  gobolka Gedo.
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24