Cadaaladda Xilliga Kala Guurka I Dr Axmed Cali Khayre & Mahad Waasuge
Listen now
Description
Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada. Marka dowlad burburtay dib loo dhisayo, mid kamid ah siyaabaha xal loogu helo dhibaatooyinkii dhacay waxaa loo yaqaannaa Cadaaladda Xilliga Kala Guurka oo afka Ingiriirka lagu yiraahdo Transitional Justice. Podcast-gan waxa ay Dr Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan cadaaladda xilliga kala guurka iyo sida colaadihii dhacay loo bogsiin karo.
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24