Soo-saarista, Maareynta, iyo Qeybsiga Shidaalka Soomaaliya
Listen now
Description
Waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan bad iyo barriba. Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay soo billaabatay tobaneeyo sano kahor.  Dhawaan Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa heshiis la saxiixay shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal ugasoo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya. Heshiiskaas xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra'isul wasarahuba waa diideen jiritaankiisa iyo ogaanshiyihiisa.  Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa shidaalka Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira. Waxaa marti ku ah Maxamed Mukhtar oo ah wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.
More Episodes
Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha...
Published 06/13/24
Published 06/13/24
17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka...
Published 05/21/24