Ku lifaaqanka dareen ee xanuunka inna bida | التعلق | Attachment.
Listen now
Description
- Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa Fahamka guud ee ku lifaaqanka dareen ee xanuunka qofka bidi kara ilaa heer uu is waayo (Attachment ). - Waxa aan kaga hadlay wax-yaabaha aasaaska u ah amaba sababa in uu qofku wax jeclaado jacayl aan caafimaad qabin amaba uu dareen ahaan iyo afkaar ahaan si fudud wax, shay amaba cid ugu lifaaqmo illaa heer uu dhibaato ku muto. -  Cidda aynu dareen ahaan ku lifaaqmi karno illaa xad aynu is wayno, hadii ay tahay xaasaska, waalidka, walaalaha, dadyowga aynu sheeko wadaaga nahay, saaxibada amaba wax-yaabaha kale ee aynu si uun ula dhaqano haday shaqo tahay iyo hadii ay wax-kale tahayba. - Waxa kale oo aan kaga hadlay xalqadan Tusaalayaasha aad ku garan karto in aad jacayl caafimaad qaba wax jeclayn balse aad jacayl aan caafimaad qabin wax jeceshahay. - Iyo sida aad isu caawin karto, amaba aad u yeelan karto wacyiga quseeya jeclaan-shiyaha aan fayoobeyn ee aad naftaada ku dhibaateyn karto, dadka kalena dhib uugu gaadhsiin karto.
More Episodes
Xasuusinta maantaHadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu...
Published 05/19/24
Published 05/19/24
Xasuusinta maantaMurugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .
Published 05/05/24