Episodes
Xasuusinta maanta Murugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg  farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay. Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .
Published 05/05/24
Published 05/05/24
Qofka aydun dhaqan ahaan is af-garan waydeen ama si uun aydun nolosha ugu sii wada midoobi kari waydeen  “واهجرهم هجرا جميلا “. Haajiraad qurux badan ka haajir ka fogaanshiyo qurux leh ka fagoow, masaafo  nadiifana u jirso. Xasuusinta xalqadan. Afkaagu ruuxii uu waangiisa tirinayay shalay, Maanta isla afkaagii yuu xumaantiisa tirinin. Dadka sikale, wakhti kale iyo waayo kaleba waydin kulmin doonaane. Salam. 💚🍃
Published 04/30/24
Xasuusinta xalqadan  Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono. Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha. Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin. Ugu dambayn Waxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala...
Published 04/25/24
Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani. Garab kala hela wakhtiyada adag🧡
Published 03/22/24
Gabadhnimadu waa hal adayg-nimo iyo dhib qurux badan. 🧡💛
Published 03/11/24
Waa 12 qodob oo aydun intiina badan garanaysaan laakiin aan jeclaaday in aan idin xasuusiyo si aydun ugu diyaar noqotaan gudo ahaan,  dibad ahaan, iyo guri ahaanba bisha barakaysan ee ramadaan. Waa xalqad dhalinyarta aad u quseysa iyo sidoo kale cidkaste oo danayneysaba. 💛🌙
Published 03/03/24
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano,  u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay. Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.💛
Published 02/21/24
Xalqadan waxa aan kaga hadlay Codka guduhu waxa uu yahay, qaybihiisa, noocyada uu u kala baxo, saamaynta uu inagu yeelan karayo ee togan iyo saamaynta uu inagu yeelan karayo ee taban. Waxa aan kaga hadlay caqliga iyo qalbiga codadkooda, kala duwanaan-shiyahooda iyo go.aan qaadashada. ugu dambayn waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aad iska xakamayso codka gudaha ee taban, kana war-qabto xiliga iyo xaalada uu caqligaaga qaybta dahsooni kugu dafcinayo in aad is canaanato.
Published 02/12/24
Xalqadan waxa aan kaga hadlay waxa loo yaqaan Garaadka caadifada Emotional intelligence, garaadka caadifadu waa xirfada fahamka, la dhaqanka, maamulka, maaraynta, xakamaynta iyo af-garadka naftaada, nafaha dadka kugu xeeran ee ah dadyawga aad inta u badan la dhaqmayso  iyo sidoo kale xirfada fahamka iyo wacyi u yeelasha a nolosha.  waxyaalo mawduucan quseeya ayaan kaga hadlay xalqadan dhagaysi wanaagsan.
Published 02/04/24
Ruuxdaada cibaadada iyo qur.aanka ku ilaali, marxalada dhalinyarnimadana  ilaahay xadhigiisa adkee Xalqadan  waxaan kaga hadlay faa.idooyinka qur.aanka. Waxaan kaga hadlay wax-yaalo aan  ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra. Waxaan kaga hadlay marxalda dhalinyarnimada iyo dhibteeda, waxaan kaga hadlay toosnaanta, dhawrsoonaanta iyo hanuunkaba in rabbi cidda uu doono uu waafajiyo.
Published 01/22/24
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 8 wax oo aasaas u ah ka kabashada dhaawacyada caruurnimo, sidoo kale waxa aan kaga hadlay labada dhaawac ee ina soo gaadhi karaya oo kala ah ka waynaanimo inagu soo gaadhi karaya iyo ka caruurnimo inagu soo gaadhi karaya. Waxaan kaga hadlay sida ay saamayn inoogu yeelan karayaan labaduba iyo sida uu uga saamayn xoogan yahay dhaawaca yaraanimo laynoogu gaystaa’ dhaawaca waynaanimo inagu gaadha. Sidoo kale waxaan kaga hadlay sida ay tahay in aad dhaawacyadaa ula...
Published 01/14/24
Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [  inner child ]. الطفل الداخلي  Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo. Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama laba...
Published 12/23/23
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 dhaqan ama 9 dabiicadood oo aynu yeelan karno, isla markaana aynu ku yeelan karno qofnimo jilicsan, daciifnimo shakhsiyadeed iyo nugayl qofnimo. Waxaan rajaynayaa in ay wacyi kugu dari doonto, sidoo kale wax kugu biirin doonto. Mahadsanidin.💛🧡
Published 12/04/23
Xalqadan  waxa aan kaga hadlay Maamulka, maaraynta la dhaqanka iyo fahmida dareemada.  Waxa aan kaga hadlay 3 shay oo kaa caawin doona inaad fahanto dareenkaaga, inaad la dhaqanto waxa aad dareemayso sidoo kalena aad maamusho. Fahamka dareenkaagu waxa uu kaa caawin doonaa in aad noolaato nolol aad la dhaqmi karayso naftaada, noloshaada iyo noolaan-shiyahaaga.
Published 11/25/23
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 3 ka mid noocyada ay dadku isu jeclaadaan, oo kala ah jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman ee ah jacaylka ruuxda. Waxa aan kaga hadlay dadka caqliga iska jeclaada sifooyinkooda, dadka qalbiga iska jeclaada sifooyinkooda iyo dhibaatooyinka ay kala dhaxlaan mudada wada xidhiidhkooda, haday waalid yihiin, haday saaxibada yihiin, haday dadka guurka wadaagaya yihiin iyo haday dadka haasaawaya yihiinba. Waxa kaloon kaga hadlay marxalada...
Published 11/17/23
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wacyiga caamka ah ee ku aadan aragtideena dhanka jacaylka, ka bulsho ahaan. waxa aan kaga hadlay muhiimada jacaylka iyo sida guud waxa uu jacaylku yahay. Xalqadan xalqada xigta waxa aan idinkula wadaagi doonaa 3 nooc oo aynu jacaylka u dareeno, isu jeclaano ama dadku ay isu jeclaadaan. Waxa aan idinkula wadaagi doonaa kala duwanaan-shiyaha jacaylka iyo iinsaanku sida uu ukala dareemo aniga oo adeegsanaya maraaxisha wacyiga iyo qofka.
Published 11/07/23
Xalqadani waxa ay ka hadlaysaa; Fahamka guud ee is barashada, muhiimada ay leedahay is barashadu ama muhiimada ay qofka uleedahay in uu is bartaa, waxa kale oo aan kaga hadlay 5 wax oo samayntooda iyo yeelidoodu ay kuu fududayn doonto in aad naftaada barato hadii aad dabaqdo. way ka badan-yihiin laakiin 5 ayaan u arkaa in ay aasaas u tahay kolka aad doonayso in aad naftaada wax ka barato.
Published 10/29/23
Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa in aad fahanto sababta aad maskax ahaan ama dareen ahaan u daalan-tahay.
Published 10/20/23
Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno. Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno’  hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno. In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini...
Published 10/14/23
Wacyigu waa  urursiga khibradeed  ee isku gaadh gaadha ama isku biir biirsada ruuxa gudihiisa. Waa xaalada ay qofka afkaartu  caqligiisa ku kaydsanto, kadib ay afkaartaasi isu gadido khibrad. xalqadan ayaan kaga hadlay qaybo ogaalka quseeya dhagaysi wanaagsan.
Published 09/29/23
Isla barbar-dhiga dadku Waa xaalad dahaadh ka saari karaysa qofka bi.ni aadamka ah duwanaan-shiyihiisa, ama quruxda wax-yaalaha uu haystaa ay leeyihiin. Waa marxalad ay tahay inta badan in aynu ka feejignaano, oo aynu la dagaalanno waayo waxa ay inta badan ka xayuubisaa, amaba shakhsiga ka qaadaa dhadhankii iyo macaankii uu ku heli lahaa ama ka heli lahaa intay fursaduhu u saamaxeen iyo wuxuu itaalkiisa taray ee uu awoodiisa qabsaday. Ruux-kaste quruxbaa  gudihiisa ah, hadii uu is...
Published 09/23/23
Dareen kaste oo aan laysku caabbiyin, laysku celinin, oo dibada hawshiisa laysaga soo saaro waa la illaabaa. Xalqadan waxa aan kaga hadlay  muhiimada ay leedahay in aynu dareenkeena cabirno, muhiimada ay leedahay in aynu tabashadeena isu gudbino, faa.idooyinka laga dhaxlo wax isu tabinta iyo dhibaatada ka timaada hadii aynu dareemada kaydsano, amaba aynu doorano in aynu isku cabudhino wixii aynu dareeno. Is caabinta, dareen isku celinta, ka baqashada in ruux jilicsan lagu moodo hadii aad...
Published 09/15/23
- Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa Fahamka guud ee ku lifaaqanka dareen ee xanuunka qofka bidi kara ilaa heer uu is waayo (Attachment ). - Waxa aan kaga hadlay wax-yaabaha aasaaska u ah amaba sababa in uu qofku wax jeclaado jacayl aan caafimaad qabin amaba uu dareen ahaan iyo afkaar ahaan si fudud wax, shay amaba cid ugu lifaaqmo illaa heer uu dhibaato ku muto. -  Cidda aynu dareen ahaan ku lifaaqmi karno illaa xad aynu is wayno, hadii ay tahay xaasaska, waalidka, walaalaha, dadyowga...
Published 09/06/23
Noloshuba waa safar ay hareero yihiin tijaabooyin,  tijaabooyinkaas oo aynu leenahay doorashada aynu wax kaga baranayno iyo doorashada ah in aynu iska noolaano, oo aynu door-bidno in aynaan waxba uga fiirsanin wax-yaabaha qadarku inala kulminayo iyo wax-yaabaha sida joogtada ah inoo soo maraya wakhtiga noolaan-shiyaheena. podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. waxa...
Published 08/16/23