Dhibaatooyinka dareemada la kaydsado’ | [Cabir dareenkaaga] Express your feelings and emotions.
Listen now
Description
Dareen kaste oo aan laysku caabbiyin, laysku celinin, oo dibada hawshiisa laysaga soo saaro waa la illaabaa. Xalqadan waxa aan kaga hadlay  muhiimada ay leedahay in aynu dareenkeena cabirno, muhiimada ay leedahay in aynu tabashadeena isu gudbino, faa.idooyinka laga dhaxlo wax isu tabinta iyo dhibaatada ka timaada hadii aynu dareemada kaydsano, amaba aynu doorano in aynu isku cabudhino wixii aynu dareeno. Is caabinta, dareen isku celinta, ka baqashada in ruux jilicsan lagu moodo hadii aad tabashadaada sheegto, iyo ma ogolaanshiyaha ah dibada in aad keento dareenka hadba cidhiidhyaya laabtaada ayaa sababa in uu dareenka cuslaynaya gudahaagu  sii joogo oo uu wakhti badan kula walaaloobo xal la.aan.
More Episodes
Xasuusinta maantaHadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu...
Published 05/19/24
Published 05/19/24
Xasuusinta maantaMurugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .
Published 05/05/24