Qofna Qof-kale ma noqon karo | [ Cidna ha isla barbar dhigin ] |Comparison.
Listen now
Description
Isla barbar-dhiga dadku Waa xaalad dahaadh ka saari karaysa qofka bi.ni aadamka ah duwanaan-shiyihiisa, ama quruxda wax-yaalaha uu haystaa ay leeyihiin. Waa marxalad ay tahay inta badan in aynu ka feejignaano, oo aynu la dagaalanno waayo waxa ay inta badan ka xayuubisaa, amaba shakhsiga ka qaadaa dhadhankii iyo macaankii uu ku heli lahaa ama ka heli lahaa intay fursaduhu u saamaxeen iyo wuxuu itaalkiisa taray ee uu awoodiisa qabsaday. Ruux-kaste quruxbaa  gudihiisa ah, hadii uu is aamino. Qof-kastena duwanaan-shiyaa dhexdiisa ah, kolka uu qofba, qofka kale uu u ogolaado in uu duwanaan-shiyihiisa dibada keenana wax-yaabo kala duwan oo qurux badan ayaa ka soo dhex baxaya. Kala duwanaan-shiyahaa wax qurxiya. 🌸🧡🌸 [ Is aamin oo duwanaan-shiyahaaga dibada keen, dadka kalena u ogoloow duwanaan-shiyahooda in ay dibada keenaan ].
More Episodes
Xasuusinta maantaHadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu...
Published 05/19/24
Published 05/19/24
Xasuusinta maantaMurugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .
Published 05/05/24