Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa❤️‍🩹
Listen now
Description
Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno. Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno’  hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno. In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini ku timid ee ay xalna waayeen, haba ka gudbeene. Xalqadan waxaan jeclaaday in qoraal ka mid ah qoraaladayda aan idinla wadaago haba yaraadee.  Ruux-kaste oo daal gudeed, tacab dareen iyo nasiino la.aan gudeed dareemayoow way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa. Waan ku jeclahay🧡
More Episodes
Xasuusinta maanta.Qalad hadii aad gasho qoomamo haysku dilin.Qalad hadii lagaa galana qoomamo haysku dilin. Waxka baro, waxka korodhso, doorana in aad hore uga socoto cafisna dalbato, ama aad adigu cafido.💚
Published 05/28/24
Published 05/28/24
Xasuusinta maantaHadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu...
Published 05/19/24