Episodes
Haddii aad warbaahinta ka shaqaynaysay labaatankii sanno ee u dambeeyay, sidee ayaad u arki lahayd isbeddelkeeda joogtada ah? Sidoo kale, Axmed Cismaan Batuun waa abwaan curiya suugaanta, bulshadana qaybaheeda kala duwan u wacyigeliya hab uu jiil kastaa fahmayo. Dhegaysi wacan! Support the show
Published 09/09/22
Qof kasta oo i naga mid ah, Hadraawi wax ayuu u ahaa, kaalin ayuu igu jirey. Prof. Bulxan, Rooble Cabdi Muuse iyo Xasan Maxamed Yuusuf oo midba dhan ka eegi doono maansadii iyo shakhsiyaddii Hadraawi, ayaa ka warrami doona. Dhegaysi wacan! Support the show
Published 08/30/22
Waa kalkii 6-aad iyo qaybta kowaad oo aynu la sheekaysan doonno Guddoomiyaha Xiddigaha Geeska, Cabdiraxmaan Cismaan ”Xaaji”. Dhegaysi wacan! Support the show
Published 08/21/22
Cumar Seerbiya waa weriye wakhti badan geliyey baadhista fanka iyo fannaanka Soomaalida. Waxa aannu kala sheekaysannay waxa loogu yeedho fanka reer magaalka, bilowgiisii, aragtida bulshada iyo maanta halka uu marayo. Dhegaysi wacan! Support the show
Published 06/18/22
Waa qaybtii sagaalaad ee taxanaheennii Waa Layga Guursaday. Dhegaysi wacan! Support the show
Published 06/10/22
Waxa aynu la sheekaysan doonnaa Ayaan Axmed Caydiid ”Kaab” oo ka warrami doonta suugaanteeda kaftanka iyo maadda huwan iyo ujeeddooyinka ay u tiriso. Support the show
Published 06/03/22
Nidaamka caafimaadka ee caalamiga ahi sidee ayuu u shaqeeyaa, maxaa se saameeya? Siyaasad ma ka madhan yahay, sidee ayuu se xidhiidh ula leeyahay ka dalalku gaarka u leeyihiin? Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed ayaa ka warramaya taariikhda caafimaadka adduunka iyo halka uu maanta marayo. Dhegaysi wacan! Support the show
Published 05/27/22
Waa barnaamijkeennii WLG, qaybtiisii 8-aad. Qaybtan waxa aynu ku wadaagi doonnaa laba sheeko oo ay soo gudbiyeen laba gabdhood. Labadan sheeko waxa la kala yidhaa "Allow Hargab Ka Dhig" iyo "Inantu Aniga Ma Aha". Dhegaysi wacan! Support the show
Published 05/20/22
Laba sanno gudahood ayay ku beddeshay nolosha kumannaan qof, sidoo kalena ay ku samaysay dhaqaale dhawr milyan oo doollar ah. Fadumo Faysal Cali ”Waraabe” waa kalkaaliso aasaastay shirkad u adeegta bukaanka iyo inta jilicsan ee dalka Finland. Dhegaysi wacan! Support the show
Published 05/13/22
Carruurnimadaadii, sidee ayaad u ciidi jirtey? Su'aashan ayaannu weydiinnay ehel iyo asxaab kala duwan oo maanta ku ciidayay magaalada Hargeysa. Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 05/02/22
Ridwaan Iid "Hilawle" waa halabuur curiya suugaanta, sameeya laxammada heesaha, sidoo kalena ku luuqeeya cod aad loo jeclaysto. Dhegaysi wacan! Smart Passive Income PodcastWeekly interviews, strategy, and advice for building your online business the smart way.Listen on: Apple Podcasts   Spotify Support the show
Published 04/29/22
Waa silsilad-suugaaneed ka dhalatay geeri naxdin leh oo kala geysay lammaane ku ballansanaa in ay is guursadaan. Dhacdadan iyo suugaanta ka dhalatayba halkan ka dhegayso.  Do you want to change the world?Insight Out reveals transformational insights that can change your life and the world!Listen on: Apple Podcasts   Spotify Simpsons is Greater ThanA podcast about the impact of The Simpsons. Plus, interviews with people from the show.Listen on: Apple Podcasts   Spotify Support the show
Published 04/22/22
Waa qaybtii toddobaad ee barnaamijkeennii taxanaha ahaa ee "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ka boganaynaa sheekada lammaane kala jooga Hargeysa iyo Jigjiga. Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 04/18/22
Cumar Cabdi Nuux waa jilaaga filinka caanka ah ee sannadkii u dambeeyay adduunka qabsaday. Waxa aannu kala sheekaysannay hayaankiisa jilaanimo, dariiqii loo maray filinkan u dambeeyay iyo guud ahaan waayaha ku gedaaman curinta filimaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 04/15/22
Saamayn dhaqaale oo muuqata ayuu dabkii Hargeysa ku yeeshay shacabka. Sidoo kale mid maskaxeed ma ku yeelan karaa? Sidee looga soo kabtaa labadaas?  Waxa faahfaahin ka bixinaya Ugbaad Axmed Xaashi iyo Dr. Axmed Cabdi Xirsi. Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 04/08/22
Waa barnaamijka Deegaanka & Duurjoogta. Waxa aan xaaladda duurjoogta dalka kala sheekaystay Huda Cali Banfas oo shaqadeedu tahay badbaadada iyo daryeelka duurjoogta. Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 12/10/21
Waa barnaamijka Fanka & Suugaanta oo uu markan marti ku yahay Cabdirixiin Siddiiq "Heello". Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 11/19/21
Waa barnaamijkii kowaad ee ku baxa maqal & muuqaal. Qaybtani waa dhegaysi, haddii aad doonayso in aad daawato qaybtan, booqo boggayaga Youtube, adiga oo ku baadhaya magaca Codka Ubax. Barnaamijka Fanka & Suugaanta oo taxane ah waxa marti ku ah Cawaale Deeqsi. Dhegaysi/daawasho wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 11/05/21
Waa qaybtii lixaad ee taxaneheennii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko, ta kowaad waxa la yidhaa ”Islaan Baan Qalayay”, ta labaadna ”Igu Labee”. Dhegaysi wacan!  Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 09/24/21
Badhtamaha xaafadda ugu hadalhaynta badan magaalada Stockholm, marka ay noqoto dhanka rabshadaha, waxa ku taalla makhaayad nooceedu ku yar yahay ogaalka dadka. Waa makhaayad la yidhaa Tast of Africa oo loo furay dumarka oo keli ah. Waxa aan la sheekaystay mulkiilaha, Ubax Cumar Toosh. Dhegaysi wacan!  Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 09/10/21
Jacaylku waa maxay, imisa nooc ayuu u qaybsamaa, ma daruuri baa in wax la jeclaado mise waa dookh, ragga iyo dumarka sidee ayuu u kala saameeyaa, waa se maxay aragtida suugaanyahanka ee jacaylku? Waxa aan la sheekaystay Mawliid Aadan Biixi oo ah Qoraa iyo Suugaanyahan ku xeel dheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 08/20/21
Waa qaybtii shanaad ee tanaxanihii "Waa Layga Guursaday". Qaybtan waxa aynu ku soo qaadanaynaa laba sheeko oo la kala yidhaa, "Hooyaa i Tidhi ha Guursan" iyo "Sannad Baan is Qabnay." Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 08/13/21
CIID WANAAGSAN - Waxa barnaamijkan daaddihinaya Abwaan Cabdillaahi Xasan Ganey, waxana ka mid ah dadka ka qaybqaadanaya, Faysal Xawaase, Xasan Waddo, Mubaarig Qoorubaxay, Khaliif Faarax Xayir iyo Samatar Siciid Saalax. Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 07/23/21
Abwaan Keyse Maxamed "Galaydh" waa gabyaa ka maansooda nolosha qaybaheeda kala duwan. Isaga oo safar ah, ka yimid Jigjiga, una socda Burco, ayaannu ku sheekaysannay Hargeysa, suugaantiisa dhanka jacaylka iyo waxbarashadana ku wadaagnay. Dhegaysi habboon! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 07/09/21
Wax ka baro magaalada Jawhar oo ah halka uu ku dhashay Siciid Xagaa Afrax. Siciid oo saxaafadda ku jirey muddo 20 sannadood ah, waxa uu ka warramayaa jabkii uu u soo maray mihnaddiisa iyo sidii uu uga gudbay caqabadahaas. Dhegaysi wacan! Support the show (https://paypal.me/pools/c/8oHWE3bMcn)
Published 07/02/21