Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir
Listen now
Description
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.      Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan tartankaasi qabashadiisa, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado.    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la...
Published 04/17/24
Published 04/17/24
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah,...
Published 02/07/24