Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda
Listen now
Description
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.   Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Dr. Axmed Jaamac Shidane oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada nafsiga ku falanqeynayaan guud ahaan xanuunada maanka ku dhaca, wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xanuunnadan, sida ay tahay in ay ula falgalaan iyo adeegyada caafimaadka ee la heli karo.  Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Published 04/17/24
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo...
Published 03/03/24
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah,...
Published 02/07/24