Episodes
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.   Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed &...
Published 04/17/24
Published 04/17/24
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.      Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan...
Published 03/03/24
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay.    Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka...
Published 02/07/24
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha. Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen...
Published 12/10/23
Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada.  Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq...
Published 11/22/23
Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u...
Published 09/30/23
Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kala...
Published 09/21/23
Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay...
Published 08/30/23
Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira.  Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo saaray go’aan mooto bajaajta magaalda ka shaqeysa loogu qeybiyay labada qayb ee A iyo B....
Published 07/26/23
Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan howlaha adeegga Xajka, qiimaha lagu jaangooyo xajka, iyo adeegyada ay ka heelaan shirkadaha qandaraaska ku qaata adeegga Xajka.   Haddaba iyadoo billaabashada howlaha Xajka ay naga xigto muddo bil ah, ayaa waxaa podcast-gan lagu falanqeynayaa guud ahaan...
Published 05/15/23
Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegyada bulshada si loogu dhaweeyo dadweynaha, ayaa waxaa saameeyay nidaamkii dhexe ee dalka ka jiray. Nidaamka Federaalka ayaa waxaa awoodda iyo maamulka adeegga dadwweynaha maamula inta badan dowlad-goboleedayada, halka ay aheyd in dowladaha hoose loo ...
Published 04/29/23
Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidka, iyo sidoo kale dowladda hoose ee Muqdisho. Dadweynaha ku nool magaalada ayaa culeysyo kala duwan kala...
Published 03/09/23
Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw oo gudaha magaalada ah isaga kala gudbaan.  Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday faallo...
Published 03/04/23
Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011.   Kusoo laabashada dadkii hore uga barakacay magaalada iyo kuwa cusub ee kusoo biiray waxaa ka dhashay in qiimaha dhulka...
Published 02/08/23
Soomaaliya oo leh mid kamid ah shucuubta ugu da’da yar adduunka ayaa haddana kala bar dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30-ka sano ay yihiin kuwo shaqo la’aan ah, kadib marka ay tacliinta sare dhammeystaan. Dhinaca kale, dalka waxa uu kasoo kabanayaa dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday oo saameeyay tayada tacliinta sare. Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si kumeelgaar ah u dhistay Guddiga Qaran ee Tacliinta Sare sanadkii 2019 si loo hagaajiyo tayada tacliinta sare. Hase ahaatee,...
Published 01/21/23
Somaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal ah, kaasoo hirgelintiisu ay si muuqata u socotay tan iyo sanadkii 2013. Hase ahaatee, gobolka Benadir oo aan maqaamkiisa weli la cadeynin ayaa adeegyada dadweynaha waxaa bixinayay wasaarado kala duwan oo heer federaal ah.   Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa billowday in ay adeegga waxbarashada ee gobolka Benadir u daadejiso Maamulka Gobolka Banaadir kadib is-afgarad labada dhinac ay ku kala saxiixdeen...
Published 12/20/22
Somalia waxaa sanado ka jira barakac baahsan oo ay sababeen coladaha soo laalaabtay iyo dhibaatooyinka la xiriira cimilada. Dowladda iyo haya’daha caalamiga ah ayaa in muddo ah la tacaalayay in la yareeyo ama xal waara loo helo dhibaatada barakaca. Haya’daha caalamiga ah ayaa sameeya dadaallo lagu naqshadeynayo barnaamijyo lagu doonayo in xal waara loogu helo barakaca. Haseyeeshee, waxaa jira caqabado ay wajahayaan haya’daha oo la xiriira in ay fahmaan ama helaan xog ku saabsan duruufaha...
Published 12/14/22
Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu...
Published 11/17/22
Kahor burbrukii dowlada Soomaaliya ee 1991-kii, adeegyada bulshadda guud ahaan, gaar ahaan adeegga caafimaadka, waxaa gacanta ku hayay dowladda dhexe. Kadib sanado laga shaqeynayay dib-u-yagleelidda hay’daha dowliga ah ee bixiya adeegga dadweynaha, waxaa suuragashay in adeegyada qaar ee dowladu bixin jirtay dib loo yagleelo.  Adeegga caafimaadka gobolka Bendair ee ay dowladu bixiso ayaa kamid ah kuwa dib loo howlgaliyay, iyadoo kuwa gaarka ah ee baahida bulshada dabooli jiray ay weli...
Published 10/01/22
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha. Warbixinta waxaa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.   Halkan ka dhageyso madal lagusoo bandhigay daraasadda laguna falanqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.
Published 04/06/22
Halkan ka daawo madal aan ku qabannay Garowe oo  aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay dimuqraadiyeynta Puntland: Geeddi socodka, Caqabadaha iyo Xalalka.
Published 09/07/21
Halkan ka dhageyso Public Agenda Forum oo aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay hannaanka federaaleynta maaliyadda Soomaaliya.
Published 08/16/21
1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban.  Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta....
Published 05/18/21
Podcast-gan waxa ay Maxamed Shariif, Mahad Waasuge, Farxaan Isaaq Yuusuf ku falanqeynayaan natiijooyinka kasoo baxay daraasad cilmiyaysan oo falanqeyneysa geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo bulsho ee degaannada Galmudug.
Published 04/04/21