Daadejinta adeegga waxbarashada ee gobolka Benaadir iyo muranka ka taagan
Listen now
Description
Somaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal ah, kaasoo hirgelintiisu ay si muuqata u socotay tan iyo sanadkii 2013. Hase ahaatee, gobolka Benadir oo aan maqaamkiisa weli la cadeynin ayaa adeegyada dadweynaha waxaa bixinayay wasaarado kala duwan oo heer federaal ah.   Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa billowday in ay adeegga waxbarashada ee gobolka Benadir u daadejiso Maamulka Gobolka Banaadir kadib is-afgarad labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Muqdisho.  Guulo kooban ayaa laga gaaray u daadejinta maareynta waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir. Hase ahaatee, hirgelinta Is-afgaradka ayaanan si habsami leh u socon. Waxaa hareeyay dhibaatooyin inta badan ka yimid kharashaadka dugsiyada dowladda iyo maamulkooda. Khilaafka ayaa weli taagan iyadoo aan la xalin, inkastoo dhinacyadu ay sameeyeen dadaallo aan lagu guuleysan in lagusoo afjaro khilaafka. Somali Public Agenda ayaa dhawaan faallo qoto-dheer oo ku saabsan arrinkan daabacday. Waxa podcast-gan ay Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda iyo qoraaga faallada iyo Aweys Axmed ku falanqeynayaan nuxurka faallada. 
More Episodes
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la...
Published 04/17/24
Published 04/17/24
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo...
Published 03/03/24