Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha
Listen now
Description
Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan.  Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan isdhexgalka bulshada degaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda.   Maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan xafiiska Xalka Waara, ayaa ah hay’adda ka masuulka ah in xal waara loo helo dadka gobolka kusoo barakacay. Sidoo kale, xafiiska waxa uu kaalin ku leeyahay isku xirka maamulka gobolka Benaadir, dowladda federalka ah, deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, hay’daha gargaarka, bulshada rayidka iyo dadka barakcayaasha ah. Podcast-gan waxa Zaynab Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo Aweys Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab ay ku falanqeynayaan kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee taageeridda beelaha laga tirada badan yahay ee barakacayaasha kamid ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa guud ahaan beelaha la heyb sooco.  Podcast-gaan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la...
Published 04/17/24
Published 04/17/24
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo...
Published 03/03/24