Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho
Listen now
Description
Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011.   Kusoo laabashada dadkii hore uga barakacay magaalada iyo kuwa cusub ee kusoo biiray waxaa ka dhashay in qiimaha dhulka iyo kirada guryaha uu sare-u-kac ku yimaado. Dhanka kale, dhaqaalaha dalka oo liita iyo dakhliga soo gala bulshada oo yar awgood, waxaa adag in qoysas badan ay guryo yeeshaan ama ay noqdaan dad si rasmi ah ugu negaada meelaha ay daggan yihiin.  Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saabsan sare-u-kaca kirada guryaha Muqdisho. Podcast-ga arrimahaas ayaa lagu falanqeynayaa. Waxaa marti ku ah qoraaga faallada Maxamed Aadan oo ka tirsan Somali Public Agenda iyo Xasan Cabdi Xasan, oo ah cilmibaare arrimahan u dhuundaloola.    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la...
Published 04/17/24
Published 04/17/24
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo...
Published 03/03/24