Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka
Listen now
Description
Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, gaar ahaan amaanka oo ah adeegga ugu muhiimsan ee asaasiga ah ee ay dowladu siiso dadweynaha.  Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Maxamed Aadan ku falanqeynayaan sababaha keenay soo if-baxa Ciyaal Weero, saameynta ay ku yeesheen dadweynaha gobolka Benadir,  iyo tallaabooyinka ay tahay in la qaado si xal loogu helo Ciyaal Weero. 
More Episodes
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la...
Published 04/17/24
Published 04/17/24
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo...
Published 03/03/24