Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo
Listen now
Description
Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.  Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday faallo lagu falanqeeyay amarka Wasaarada Waxbarashada kasoo baxay, walaaca laga muujiyay, iyo saameynta taban iyo midda togan ee uu ku yeelan karo qeybaha bulshada ee uu amarka khuseeyo. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed oo ah martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ee Somali Public Agenda & Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah qoraha faallada ku falanqeynayaan nuxurka faallada iyo talooyinka lasoo jeediyey ee tixgelinta mudan.    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at [email protected] Thanks for listening!
More Episodes
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la...
Published 04/17/24
Published 04/17/24
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo...
Published 03/03/24