Episodes
Qabta 6aad: Ka farxi dadka:
In aad xiriir fiican la samaysid bulshada oo qalbigooda soo jiidatid ka farxisid, ayaa ah waddada ugu wanaagsan loo maro ku raaxaysiga nolosha. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa:
Sida aad farxad ugu abuuri lahayd qalbiyada dadka kale.
Sida aad u beddeli lahayd dabeecadaha aan wanaagsanayn.
Sida hadalkaaga aad ugu dari lahayd malab si dadka aad u soo jiidatid.
Waddada ugu wanaagsan ee lagu qurxiyo wajiga.
Sida aad ku noqon lahayd qof dadka oo dhan ay...
Published 11/05/22
Qaybta 5aad: Raaxada Jirka:
Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u weyn bay ku yeelataa ku raaxaysiga noloshaada. Nabiga scw wuxuu inoo tilmaamay in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Qaybtani waxay si dhab ah kaaga caawin doontaa:
Sida aad u daryeeli lahayd caafimaadkaaga.
Sida aad ku heli lahayd dhammaan maaddooyinka jirka u baahanyahay.
Sida aad u ilaalin lahayd nadaafadda jirkaaga.
In aad maalin walba samaysid jimicsi fudud.
In aad heshid hurdo kuugu filan iyo daawada hurdo la’aanta.
In aad...
Published 11/03/22
Waxaan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aanan rabin in aan aragno, laakiin kama xiran karno qalbigeena, waxyaabaha aanan rabin in aan dareeno.
Published 10/24/22
Waxa ugu weyn ee uu ku raaxaysto qalbigu, waa in uu helo jacayl joogta ah. Jacaylka waa waxa ugu quruxda badan ee la haysto. Sooma aad arkin marwalba oo aad fiirisid qofka aad jeceshahay, wajigaaga waxa ka muuqda farxad iyo dhoolla caddayn. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonaa:
Sida Jacayl qurux badan loo dhiso.
Sida Jacayl kaas quruxda badan loogu noolaado.
Sida loo doorto lammaanaha mustaqbalka.
Qofka sida dhabta ah kuu jecel waxyaabaha lagu garto.
Bankiga jacaylku waa maxay?
Sida uu...
Published 10/24/22
Ka faker waxa aad haysatid inta aadan ka fakerin waxyaabaha kaa maqan!
Published 10/22/22
“Ahoow qofka adiga aad tahay. Faraxsanow kuna noolow noloshaada dhabta ah. Waxaa jira sabab uu illaahay kaaga dhigay sida aad tahay, kuu siiyay waxa aad haysato”
Published 10/22/22
Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya waa sida aad u fekerayso. Sababta aad ugu raaxaysan wayday noloshaada waa natiijad ka dhalatay qaabka liita ee aad u isticmaalayso maskaxdaada. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa:
Sida loo oggaado waxa si dhab ahaan kuu farxad geliya.
Sida aad u qaadan lahayd mas’uuliyadda nafsadaada.
Sida ugu fiican ee loo dejiyo hadafyadaada iyo sida degdeg loogu gaaro hadaf kasta oo aad leedahay noloshaada.
Sida aad ugu...
Published 10/22/22
Hooyooy Macaan
Adigaa aduunka I keenay
Adigaa uurka igu qaaday
Adigaa dhiigaaga nuugay
Adigaa Ifka igu barbaarshay
Hooyoy Abaalkaga Bini’adam gudi waayay
Amaantaada hooyo waan soo koobi kari waayay
Marka ku arko waan
Ka maqsuudi la
Murugadan qabee
Hooyo macaan
Muuqaagu wuu Iga meydhi la
Dhibtaan so maree Hooyo macaan
Intan ka maqnay
Waan magano
Manfac iyo hurdaba
Wayska maanacee hoyoo macaan
Maa aragtida
Waxay Ila mid tahay
Anigoo makkah iyo madinaba tagoo
Xajka soo maree...
Published 10/20/22
Marka aan raadiyay waxa ay ku raaxaysato ruuxdu, waxaan oggaaday qofka kaliya oo ii sheegi kara jawaabtaas in uu yahay midka abuuray ruuxda iyo dadka oo dhan; Allaah, kadib waxaan ka baaray Qur’aanka iyo sunnada, waxaan oggaaday in ruuxda aysan raaxaysanaynin illaa marka ay u dhowaato midka abuuray, Allaah! Waxaan soo qaadan doonnaa qaybtan:
Macaanka uu leeyahay iimaanka iyo sida aan u heli lahayn macaankaas.
Raaxada salaadda laga helo iyo sida aad ugu raaxaysan lahayd salaadda.
...
Published 10/17/22
Waxaan marka ugu horreeya ku billaabi doonaa safarkeenna quruxda badan ku raaxaysiga nolosha, in aan daawo u helno muruggada aan dareemayno. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonnaa:
Sida aad maskaxdaada uga masaxi lahayd maalmo mugdi ah oo aad soo martay, uguna diyaarin lahayd maalmo nuur badan.
Muhiimadda ay leedahay in aad noolaatid HADDA.
Sida aad u qeexi (fahmi) lahayd dhibaatada ku haysata.
Sida aad ku oggaan lahayd asal ahaan halka ay ka timid dhibaatada.
Waxyaabaha aad ku...
Published 10/09/22
Miyaad faraxsantahay? Ma tahay noloshan aad ku nooshahay, nolosha aad dhab ahaan u rabtay inaad ku noolaato? Hadaba, Kaalay oo ila fuul doonta "Ku Raaxeysiga Nolasha”, doontaas oo kaa qaadi doonta halka aad maanta taagan tahay, kuna gayn doonta jasiirad aad u qurux badan oo ay naftaadu raalli ku tahay.
Published 10/07/22