CAMBAABUR PODCAST | #01 | CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED WAA MAXAY? | MUSTAFE FAYRUUS. (Q1aad)
Listen now
Description
Cambaabur Podcast waxa aan ku bilaabaynaa Mustafe Fayruus.  Mustafe Fayruus wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysanay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso iyo qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.  Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay hore u marinta uga baahantahay. Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo. Dhagaysi wacan.
More Episodes
09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada...
Published 10/22/21

Published 10/21/21