Episodes
09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan...
Published 10/22/21
09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada badnaa. Dhan kale waxa ay is dul taagayaan sidii ay ku barteen, sidii ay warka geeridiisa ku maqleen, macnihii uu Afrax ugu fadhiyay hidda qoran ee umadda Soomaaliyeed iyo sida loo xasuusan...
Published 10/21/21
Waa mar kale iyo Cambaabur Podcast Waxa marti ku ah Maxamad Siciid Mire. Waa qoraa u dhuundaloola sheekooyinka, waxna ka qora. Waxa aan kala sheekaysannay: Sooyaalka Sheeko-faneedda, Sheekafa, sheeko xariirta iyo jaadadka kale ee sheekaynta xidhiidhka ka dhexeeya, Jaadadka sheeko-faneedka, Sheeko-faneedku aqoon ma xambaari karaa, iyo arrimo kale oo sheekada la xidhiidha. Dhagaysi wacan #Sheeko, #SheekoFaneed, #Sheekayn, #Riwaayad, #SheekadaSoomaalida, #SheekafaneeddaSoomaalida,...
Published 08/15/21
Waa Cambaabur Podcast #5   Kulankan waxa uu daba socdaa kii hore ee #4, Cumar Cali Baashe ayaa sii  wada qaadaadhigista fahanka XADAASADA IYO XADAASADA-KA-DIB. Qaybtanna  waxa aan ku eegaynaa sida uu dhaqdhaqaaqa XADAASADA-KA-DIB U NAQDIYAY  XADAASADA?  (Xadaasada-ka-dib/Post Modernity/ما بعد الحداثة ), si lamid  ah sidii horena waxa aan ka hadli doonna curashadeedii iyo  taabbagalkeegii, dhinacyada ay saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha  seesdhigga u ah.    Cumar waa aqoonyahan ku...
Published 05/07/21
Waa Cambaabur Podcast #4    Kulankan waxa uu Cumar Cali Baashe ku qaadaa dhigayaa fahanka XADAASADA:  MAXAY TAHAY, SIDEE AYAY SE U CURATAY?  (Xadaaso/Modernity/الحداثة ),  curashadeedii iyo taabbagalkeegii. Sidaas oo kale dhinacyada ay  saamaysay/ka koobantahay iyo fikradaha seesdhigga u ah.    Cumar waa aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Horumarinta  Dhaqaalaha, daneeya oo wax ka qora dhaqanka (saqaafada), falsafadda iyo  arrimaha danta guud.    Ku Taxnaw Cambaabur Podcast,...
Published 05/05/21
Cabdiwahaab Almasiiri (1938-2008) wuxu ahaa faylasuuf Masaari ah oo waxsoosaar badan, waxsoosaarkiisuna saamayn badanaa, noloshiisii iyo imikaba. Sidaas oo kale wuxu ahaa Indheergarad magiciisa iyo miisaankiisa aqooneed kaga qaybqaata masraxa guud. Qof ahaan Cabdiwahaab wuxu maray isbadallo rumayneed oo isku lid ah mararka qaar intii uu noolaa, raadna kaga tagay fikirkiisa.    Ridwaan Maxamuud Sheekh (Maygaag) ayaa jeedin muxaadaradan oo ciwaankeegu yahay: Cabdiwahaab Al-Masiiri: Maalmihiisii...
Published 04/26/21
Qormadan Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud ayaa curiyay, waxa lagu faafiyay Bandhige Sebtambar 01, 2020 iyada oo qoraal ah. Codkiisa isaga oo ku gudbinaya ayaan halkanna ku faafinaynaa iyada oo ah Qorm Codeed ah.  Halkan ka akhri: https://bandhige.com/maqaallo/sahanka-raage-wq-cabdiraxmaan-aadan-maxamuud Halkan kala xidhiidh qoraaga: https://www.facebook.com/abdirahman.adan.98
Published 11/10/20
Muxaadaradan ciwaankeedu yahay KACAANKA WARSHADAHA IYO CURASHADA  BULSHADA CASRIGA AH: Saamaynta Tiknoloojiyaddu ku Leedahay Nolosha  Aadamaha waxa ay qayb ka tahay silsiladda muxaadarooyinka Avalites  Foundation.   Macalin Mustafe Faysruus oo bare sare iyo baadhe ah ayaa ka jeediyay  Maktabadda Qaranka ee Soomaalilaan, 11 Sep 2020 ka.
Published 10/12/20
Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus. Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan   Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa   cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha   Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo  Qalinlayda  Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af  Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala...
Published 09/03/20
Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus. Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan  Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa  cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha  Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda  Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala...
Published 09/02/20
Cambaabur Podcast waxa aan ku bilaabaynaa Mustafe Fayruus.  Mustafe Fayruus wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysanay fadhigan iyo labada...
Published 09/01/20
Baraha bulashadu waa shaacsane (phenomenon) casri ah, baadhisyada ku sahabsani bilaw yihiin lakiin saamayn wayn oo baaxadda doodaha la xidhiidha ay taxanyhiin fiqiga diinta illaa falsafadda nolosha. Qaddiyado doodahaas la xidhiidha ayay Ayaanle Hoorri iyo Cabdillaahi Raage "sayidka" kaga sheekaysteen fadhigan. Waxa ka mid ah qaddiyadahaas  #1 Dimuqraadiyadda iyo Baraha bulshada,  #2 Caafimaadka nafeed ee qofka. xidhiidhada qoys iyo baraha bulshaad,  # 3 Amaanka xogta qofka iyo ta...
Published 07/13/20
Naadiga Akhriska iyo Falanqaynta Doodaha ee Ogaal oo fadhigiisu yahay Boorama iyo Haayadda Dhaqan ee Avaliteis ayaa kulankan wadajir u qabtay 28 Feb, 2020. Cabdillaahi Raage, oo ka tirsan Avaliteis waxa uu muxaadaradan ku akhrinayaa buugga Yuusuf Maxammad Xayd ee Kalahaadkii Muqdisho indhaha labada fahan ee Xasuusta iyo Taariikhda. Wuxuna soo gudbinayaa dood buuga u arkaysa hanti ay tahay in lala  falgalo, loona adeegsado sida taariikhda akaadamiga ahi u adeegsato dhukumentiyada...
Published 02/29/20
Sheekada Beerta Xawayaanka ee uu curiyay qoraagii reer Ingiriis ee Joorj Orwil oo ka mid ah sheekooyinka dunnida kuwa ugu caansan ayuu Cabdillaahi Raage ku falanqeeyay 17 Ogtoobar 2017 kii Madasha Buugga oo ah koox Faysbuug oo buugta lagu wadaago, laguna falanqeeyo. Muuqaalkan oo ah kii sida tooska ah (live) uga baxay madasha ayaan mar kale halkan idinku la wadaagnay.  Dhagaysi wacan.
Published 12/04/19
Muxaadaradan oo ka mid ah shaqooyinka Avalites Foundation waxa uu Ayaanle Hoorri ka jeediayay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.    Waxa uu awoodda saaray Ayaanle, gorfayntana ku Iftiimiyay:   - Sidee baynu ula falgali karnaa gabay-jacburka Dhoodaan,  - Muxuu se inooga bildhaamin karaa magaaloobiddii Soomaalida tobanlayaashii dambe ee qarnigii labaatannaad?  - Hannaanka gabay-jacburku (style) se ma noqon karaa alban aynu ka daawan karno waayihii jiray xilligaas?  - Albaynaynta gabay jacburka...
Published 12/04/19
Kulankan oo ay soo agaasimatay AVALITES Foundation waxa uu ka qabsoomay xarunta Boorama Youth Job Center 07/Nov/2019 waxana lagu gorfeeyay muujinta dabaqadaha, shakhsiyadaha, dhaqan naqdinta iyo doodaha falsafadeed ee sheekada Ibraahim Hawd Yuusuf ee Saddex Nafood.   Qodobadda Gorfayntu Awoodda Saartay:   - Maxay macno leedahay in aan akhrino, wadar iyo qof ahaan ba, sheekafaneed Soomaaliyeed?    - Waayaheenu se muxuu ka dalbanayaa akhrinta sheekafaneeddan gaaban?    - Saddex Nafood ma...
Published 12/02/19
Published 12/01/19