CAMBAABUR PODCAST | #02 | HAAYADAHA SAMEEYA CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED, AJANDAYAASHA IYO CAQABADAHA | MUSTAFE FAYRUUS. (Q2aad)
Listen now
Description
Mar kale Cambaabur Podcast ku soo dhawaada, waxa innala sheeko wadaaga Mustafe Fayruus. Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan  Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa  cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha  Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda  Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA. Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada  xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida  ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa  lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan. Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira  daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo  marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale  naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo  meelaha ay horumarinta uga baahantahay. Waxa kale oo aan ka  hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay  qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga  Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo. Qaybtii labaad weeyi tani, tii koobaad ka dhagayso isla meesha aad ka dhagaysanayso hadda. Ku soo biir saaxibada Avalites  Foundation oo "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, qaybyta saddexaad ee soo socta iyo kuwa cusubba halkaas kala soco. Halkan kala soco Mustafe Fayruus: https://www.facebook.com/MustafaFeiruz/ Dhagaysi wacan.
More Episodes
09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada...
Published 10/22/21
09 Ogtoobar 2021 ayuu AHN Maxamad Daahir Afrax geeriyooday. Cabdillaahi Raage "Sayyidka", Cabdicasiis Guudcadde iyo Ayaanle Hoori ayaa labdan fadhi ee 7aad iyo 8aad ugu baroordiiqaya, ku faaqidaya sooyaalkiisii iyo waayihii uu soo noolaa. Waxa kale oo ay ka warramayaan waxsoosaarkiisii noocyada...
Published 10/21/21